Maxkamada sare ee magaalada Chicago ee dalka mareykanka ayaa amar buuxa ku bixisay in muwaadfin soomaaliyeed lagu sii hayo xabsi uu kaga jiro magaaladaasi.
Cabdiwali cabdulqaadir muuse ayaa waxaa uu ku eedey sanyahay in uu ka mid ahaa kooxha burcad badeeda soomaalida, waxaana maxkamadu ay sheegtay in sanadkii 2009-kii uu afduubtay markab ganacsi oo laga lahaa dalka mareykanka , xiligaasi oo da,diisu aheed 16 sano jir.
Qaadiga maxkamada ayaa horay u sheegay in cabdi wali uu yahay wiil aan qaan-gaarin oo da,diisu tahay 16 sano jir hasa ahaatee aan la xukumi karin ilaa uu ka gaaro da,da 18 sano jir.
Cabdi wali ayaa maxkamada ay xukun gaaraya 34 sano ku riday sanadkii 2012-kii markii ay cadaatay in uu wax ka afduubtay markab ay la haayeen ganacsato mareykan ah.
Maxkamada ayaa sidoo kale sanadkii 2010-kii diiday racfaan ay soo jeediyeen qareenada u doodayey cadwali cadiqaadir muuse oo ay ku doonayeen in lasii daayo inkastoo maxkamada racfaanka Chicago ay diiday go’aankaasi.
Ugu dambeen waxaa maxkamada racfaanka Chicago ay sheegtay in cabdiwali cabdiqaadir muuse in dib loo dhageysan doono xariga cadi wali oo loo heesto in uu ka mid ahaa burcad badeeda soomaalida.

