Wararka laga helayo bariga dalka afgaanistaan ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 ruux ay dhinteen in kabadan 40 ruux dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib qarax ismiidaamin ah oo bariga afgaanistaan ka dhacay.
Qaraxaan ayaa loo adeegsaday mooto uu saarnaa ruux naftiis haliga ah , kaasi oo isku qarxiyey gobolka kunar ee xadka pakistaan iyo afgaanistaan u dhaxeeya.
Kunar oo qaraxa uu ka dhacay ayaa lala eektay askar militriga afgaanistaan ka mid ahaa.
Wahidullah Kalimzai waa gudoomiyaha gobolka kunar waxaa uu sheegay in ay dagan tahay goobta uu qaraxa ka dhacay ciidamada afgaanistaana ay gacanta ku hayaan.
Ma jirto cid sheegatay qaraxaan balse goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa maamula koox xiriir laleh ururka daacish.

