Taliska Amisom oo Sheegay in Weerar Qorshaysan Ay ku Dileen 10-dagaalyahan oo ka Tirsan Al-shabaab

0

Taliska amisom ee soomaliya ayaa sheegay in ciidamada amisom ee ku sugan degmada Xudur   ay dileen 10-dagaalyahan oo ka Tirsan xarakada al-shabaab iyagoo sidoo kale dhaawacay 20-kale oo isla al-shabaab ka tirsan.

Gudoomiye ku-xigeenka  degmada Xudur ee Gobolka Bakool Adam Abdi Abori, oo warhaabinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amisom iyo kuwa dowlada soomaliya ay weerar gaadmo ah ay ku  dileen 10-ka tirsan xarakada al-shabaab oo ku sugnaa degmada Xudur.

‘’10-ka Tirsan al-shabaab ayaa la dilay 20-kalana waa la dhaawacay kuwa kalana waa la qabtay ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur ee Gobolka Bakool Adam Abdi Abori

Gudoomiye ku xigeenka  degmada Xudur ee Gobolka Bakool Adam Abdi Abori waxa uu sidoo kale sheegay In howlgalka uu wali socdo isla markaana ay soo bandhigi doonaan tirade rasmiga ee lagu dilay weerarkii ka dhacay degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Ciidamada amisom ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa deegaanada Hoos Yimaada Gobolka Bakool waxa ay ka wadaan Howlgalo lagu dagaalamayo al-shabaab oo muddo maamulayay Gobolka Bakool

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here