Magaalada Zurich ee dalka Switzerland waxaa haatan ka socota xaflada lagu dooranayo Madaxweynaha xiriirka Kubada Cagta aduunyada ee Fifa kadib markii la ganaaxay Sepp Blatter oo muddo sanado ah hayay xilka Madaxweynaha xiriirka.
Waxaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha xiriirka Kubada Cagta aduunyada Shiikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa, Gianni Infantino, Prince Ali bin Al-Hussein, Jerome Champagne iyo Tokyo Sexwale oo mid walba uu ku wajo weyn yahay ku guuleysiga xilka Madaxweynaha xiriirka Fifa.
Mudane Sepp Blatter ayaa la ganaaxay Muddo 8-sano In uusan ku lug lahaanin kubada cagta balse waa laga yareeyay ganaaxa oo waxaa la ganaaxay muddo lix sano ah kadib markii uu racfaan ka qaatay arinta ganaaxa la saaray.
Qaar kamid ah wadamada hoose yimaada xiriirka Fifa ayaa Sepp Blatter ku eedeeyay in uu sameeyay musuq-maasuq aad u fara badan iyo in dal xaq u lahaa marti galinta koobka aduunka loo diiday.
79-jirka Sepp Blatter ayaa xilka madaxweynaha xiriika Fifa hayay muddo aad u fara badan waxaana haatan la doonayaan in is badal lagu sameeyo xiriirka fifa meeshana laga saaro maamulka Maadxweyne Blatter.
Gianni Infantino oo horey u ahaa Xoghayaha xiriirka Uefa ayaa ugu cadcad ku guuleysiga Madaxweynaha xiriirka Fifa kadib markii uu waxqabadkiisa kusoo bandhigay garoonka ugu weyn dalka ingiriiska ee wembley.

