Gudoomiyihii Hore ee G/Banaadir oo sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda ay iska sara marsiiyeen sharciga Dalka

0

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxda dowlada soomaliya in yihiin kuwa ku dhaqma sharciyo u gaar ah taasi badalkeedana ay hareer mareen dastuurka dalka u yaala.

Mudane Maxamuud axmed Nuur Tarsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in madaxda dowlada soomaliya ay qalad weyn ka galeen dalka kadib markii ay si wadajir ah dalka kaga dhoofeen si ay ugu qeyb galeen shirar dalka dibadiisa ka dhacaya.

‘’Madaxda dowlada soomaliya waxaa loogu baahnaa in ay kawada hadlaan cida dalka ku hareysa iyo cida shirarka kaga qeyb galaysa balse wey hareer mareen taasi waana sharci u gaar ah madaxda dowlada soomaliya ayuu yiri Tarsan.

Dhanka kale Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Mudane Maxamuud axmed Nuur Tarsan ayaa ku dhaliilay madaxda dowlada soomaliya in ay dayaceen doorkii ay lahaayeen shacabka soomaliyeed wuxuu ugu baaqay umada soomaliyeed in ay ka fakaraan cidii ay xilka madaxtinimo ee dalka soomaliya  u dhiiban lahaayeen.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here