Sucuudiga, Imaaraatka, iyo Baxreyn oo Muwaadiniintooda uga digay inay u Safraan Lubnaan

0

Maalmo  uun kadib markii dowlada sucuudiga tilmaantay in ay joojisay caawinaadii amniga ee lubnaan ayaa wasiirka arrimaha dibada  sucuudiga uga digay muwaadiniinta reer sucuudi inay ka digtoonaadaan safaradooda lubnaan sababo la xiriira amaanka dalkaa oo laysku haleyn,

Karin caadil wasiirka arrimaha dibada  sacuudiga oo  shir jaraa’id  qabtay ayaa tilmaamay in sucuudiga uu uga digayo muwaadiniintiisa inay yareyan safarka lubnaan ay ku tagayaan waxa uuna tilmaamay in gabi ahaanba aysan ka mamnuuceyn balse ay doonayaan in digtoonaansho ay ku jiraan madama xizbulaaah ay ka howl-galaan dalkas isla markaana ay ku dhex milmeyn dowlada dalkaas.

Sidoo kale wasiirada arimaha dibada dalalka baxreyn iyo imaaraatka carabta ayaa iyaguna shacabkooda ka dalbaday inay yareeyaan safarkooda ku aadan wadankaasi.

Arinta ku aadan digniinaha ayaa timid kadib markii xizbulaah ay sheegayn inay si buuxda ugarab taaganyihiin dowlada Syria ee uu hogaamiyo bishar al-asad.

Raisul wasaaraha dalka lubnaan ayaa sheegay inaysan jari doonin xriirka walaaltinimo ee  ka dhaxeeya lubnaan iyo dowladaha khaliijka isla markaana ay soo celin doonaan kalsoonida iyo diplaamsiyada luntay ee u dhaxeysay dowladahaas iyo lubnaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here