C/laahi cilmi cawaale Taliyahii Nabad sugida degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta ku dhawaaqay In uu iska casilay xilkii uu u hayay maamulkaas.
Shir Jaraaid uu maanta ku qabtay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayuu ku cadeeyay C/laahi cilmi cawaale in uusan aheyn taliyaha Nabad sugida degmada Hobyo kadib markii dhawaan lagu magacaabay warqad kusoo baxday Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed .
“waxaan ahay odey lasoo shaqeeyay dowladihiisa dalka soo maray waxaan dhawaan maqlay in la ii magacaacay Taliyaha Nabad sugida degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sidaas darteed waxaan idin sheegayaa in aan xilkaas u heynin maamulka Galmudug ayuu yiri C/laahi cilmi cawaale Taliyaha Nabad sugida degmada Hobyo.
Dhawan ayay aheyd markii Maamul Cusub loo Magacaabay degmada Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug waxaana dhawaan loo magacaabay C/laahi cilmi cawaale Taliyaha Nabad sugida degmada Hobyo.

