Qaar kamid shacabka Magaalada Muqdisho ku dhaqan ayaa araktiyo kala duwan ka bixiyay shirka maalintii shalay aheyd ka Furmay Magalada Istanbul ee dalka Turky-ga kaasi oo loogu hadlaayay siyaasada soomaliya.
Iyagoo la hadlayay Cod baahiyaha idaacada simba ayay sheegeen shacabka Magaalada muqdisho in aysan wax wanaagsan kasoo bixi doonin shirarkaas madaama lagu qabtay meel ka baxsan Gudaha soomaliya loona baahnaa in siyaasiyiinta soomaliyeed Fursad la siiyo.
Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in ujeedka beesha caalamka uu yahay in la kala fogeeyo shacabka soomaliyeed oo muddo badan colaad ay ka dhaxeysay.

