Ciidamada Dowlada Soomaliya oo la Wareegay deegaan Hoos Yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Ceelbaraf  oo ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaliya ay goordhaweyd la wareegeen deegaankaas.

Dad ku sugan deegaanka ceelbaraf oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In deegaanka uu ka dhacay dagaal kooban oo dhaxmaray ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa al-shabaab oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaanka.

Dagaalka dhacay kadib ciidamada dowlada soomaliya waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Saarakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya aynu la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalka ka dhacay deegaanka.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada dowlada soomaliya ay la wareegeen deegaanka Biya-cadde oo kamid ah deegaanada gobolka Shabeelaha dhexe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here