Waxaa saakay aroortii Xaafada oodweyne ee Degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho lagu arkay meydka Wiil Dhalinyaro ahaa oo xalay lagu dilay Gudaha degmadaas.
Wiilkaan Dhalinyarada ahaa ayaa la sheegay in lagu dilay Tooreey iyo Xarig, waxaana Jirkiisa ka muuqatay dhaawacyada tooreyda loogu geystay iyo xariga Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan Degmada Deyniile.
Dhanka kale Meydka wiilka dhalinyarada ahaa ayaa la geeyay xarunta CID-da ee degmada Hodon uu haatan yaalo.
Lama ogo cidii ka dambeesay falkaan ka dhacay Xaafada oodweyne ee Degmada Deyniile ee Gobolka banaadir Iyadoo Horey sidaan oo kale degmada deyniile loogu arkay dad la tooreeyay.

