Dowlada Talyaaniga oo Soomaliya ka Taageereysa Amniga iyo Dib u Dhiska Dalka

0

Dowlada Talyaaniga ayaa markale ku dhawaaqday in ay garab taagan tahay dowlada soomaliya iyo shacabka soomaliyeed iyadoo ka garab istaagi doonta dhib u dhiska dalka.

Paolo Gentiloni, wasiirka arimaha dibada Talyaaniga oo  qudbad ka jeediyay shirka ka furmay Magaalada Istanbul  ee dalka Turky-ga ayaa sheegay in nabad galyada Soomaaliya ay ku imaaneyso in taageerada caalamka ay noqoto mid joogto ah.

Wasiirka arimaha dibada Talyaaniga Paolo Gentiloni waxa uu sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya ay dadaalo  u gashay hergelinta nidaamka federaalka, wuxuuna Tilmaamay in muhiim ay tahay in la sii wado dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. oo wali hakad ku jira.

Dhanka kale Paolo Gentiloni, wasiirka arimaha dibada Talyaaniga wuxuuna caalamka ugu baaqay in dib loo bilaabo wada-hadalkii u dhaxeeyay maamulka soomali-and iyo dowlada dhexe ee soomaliya oo asna hakad ka jira.

“dowlada Talyaaniga waxa ay dowlada soomaliya ka Taageeri doontaa la dagaalanka al-shabaab iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ayuu yiri Paolo Gentiloni, wasiirka arimaha dibada Talyaaniga.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here