Madaxweynaha oo Saxiixay Sharciga ka Hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada.

0

Madaxweynaha soomaliya  Mudane Xasan sheikh ayaa maanta  saxiixay sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada  dhawaan ay meel mariyeen Baarlamanka soomaliya.

Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiimad gaar ah uu leeyahay kaasi oo dhawaan ay  meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo baarlamaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada ee uu Madaxweynuhu saxiixay waxa uu awood siinayaa bankiga dhexe ee dowladda, si ay u qaabeeyaan hanaanka maaliyeed ee dalka iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maaliyeed ee dalka.

Shaqada uu bankiga qabanayo waxaa ka mid ah

In la hubiyo qofka lacagta soo diraya, si loo hubiyo cidda ay ku socoto lacagta

In la hubiyo wixii shaki gala iyo qaabka looga soo warbixiyo

In macluumaadka u qofka soo gudbiyo ee arrimaha lacagta ku saabsan la ogaado iyo

In uu sameeyo xarun loogu warbixiyo arrimaha dhaqaalaha

Mudooyinkii dambe Bankiga dhexe ee soomaliya aya waday  dadaallada ku aadan hay’adaha dhanka dhaqaalaha ee dowladda iyo in la xoojiyo xirirada u bankiga la leeyahay hay’adaha kale ee dunida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here