Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh ayaa maanta saxiixay sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada dhawaan ay meel mariyeen Baarlamanka soomaliya.
Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiimad gaar ah uu leeyahay kaasi oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo baarlamaanka ee dowladda Soomaaliya.
Sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada ee uu Madaxweynuhu saxiixay waxa uu awood siinayaa bankiga dhexe ee dowladda, si ay u qaabeeyaan hanaanka maaliyeed ee dalka iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maaliyeed ee dalka.
Shaqada uu bankiga qabanayo waxaa ka mid ah
In la hubiyo qofka lacagta soo diraya, si loo hubiyo cidda ay ku socoto lacagta
In la hubiyo wixii shaki gala iyo qaabka looga soo warbixiyo
In macluumaadka u qofka soo gudbiyo ee arrimaha lacagta ku saabsan la ogaado iyo
In uu sameeyo xarun loogu warbixiyo arrimaha dhaqaalaha
Mudooyinkii dambe Bankiga dhexe ee soomaliya aya waday dadaallada ku aadan hay’adaha dhanka dhaqaalaha ee dowladda iyo in la xoojiyo xirirada u bankiga la leeyahay hay’adaha kale ee dunida.

