Waxaa goordhaweyd Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga ka Furmay shirka looga hadlaayay siyaasada soomaliya oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlada soomaliya.
Shirka waxaa Furey Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo dalkiisa lagu marti galinaayo, shirkaan.
Shirkaan ka furmay dalka turkiga waxaa ka qeyb galaya , madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud , madaxweynaha turkiga Recep Tayyip Erdogan, ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobe Jan Eliasson.
Shirkaan ka socda magaalada Istanbul waxaa ka qeyb galaya 50 dowladood oo daneeya arrimaha soomaaliya, 12 hay-adood oo ah kuwa caalami ah oo iyagana kulanka ka qeyb galaya.
Muhiimada shirkaan turkiga ka furmay ee madaxda ugu sareysa dalka ay ka qeyb galayaan ayaa lagu sheegay arrimo ay ugu waaweyn yihiin hormarinta ganacsiga, dhisida kaabayaasha dhaqaale, iyo doorashada soomaaliya ee dhaceysa sanadkaan 2016.
Madaxweynaha turkiga, ayaa furitaanka qudbadiisa u mahad celiyey madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud isagoo ku tilmaamay in uu yahay shaqsi hormar gaarsiiyey soomaaliya mudada kooban ee uu xilka madaxweynimo hayo.

