Soomalida Kenya:- Waan kasoo Horjeednaa Waxa ay Sameysay Dowlada Kenya

0

Soomalida ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka  Kenya ayaa halkaas ka dhigay banaanbaxyo ay kaga soo horjeedeen xayiraadi lagu sameeyay wafdi uu Hogaaminaayay Raiuslwasaaraha soomaliya Cumar Cali Sharmarke oo kusii jeeday Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ee soomalida ah ayaa watay boorar ay ku qornaayeen waan kasoo horjeednaa in la xayiro madaxda soomalida  dowlada Kenya waxa ay sameysay waan ka xunahay iyo ereyo kale ayay adeegsanayeen soomalida Kenya ku nool.

Laamaha amaanka Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ayaa muddo saacado ah xayiraad ku sameeyay wafdi uu Hogaaminaayay Raisulwasaaraha soomaliya oo isugu jirey wasiiro iyo xildhibaano kusoo jeeday Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.

Raisulwasaaraha  iyo wafdigiisa ayaa lagu wargaliyay in ay dib ugu laabtaan Garoonka Magaalada Wajeer oo ah halka lagu soo baaro diyaaradaha inta aysan kasoo daganin Garoonka Jomo Kenyatta International Airport.

Dhanka kale Dowlada Soomaliya oo arintaan ka hadashay ayaa sheegtay in ay kala hadli doonto dowlada Kenya waxa keenay in muddo saacadaha ah la xayiro wafdiga dowlada soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here