Dowlada Kenya ayaa sheegtay in gabi-ahaanba dalka Kenya ay xarakada al-shabaab ka qorteen dhalinyaro gaareysa 1,500 kuwaasi oo kamid noqday dagaalyahanada xarakada al-shabaab.
War kasoo baxaysa dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Magaalooyinka Kwale, Mombasa, Kilifi iyo Lamu iyo meelo kale ay yihiin meelaha ugu badan ay al-shabaab ka qortaan dhalinyarada kamid noqonaysa.
Karanja Kibicho oo kamid ah Mas’uuliyiinta dowlada Kenya ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay in al-shabaab ay ku guuleysteen in gabi-ahaanba ay dalka Kenya ka qortaan dhalinyaro tiradooda lagu qiyaasay 1,500 kuwaasi oo wax ka baranayay iskuulada iyo jaamacadaha ku yaala Gudaha dalka Kenya.
Dowlada Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay in Masaajidka Musa Mosque uu horey imam ugu ahaa Sheikh Rogo oo August 27, 2012. Lagu dilay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya uu yahay masaajid ay al-shabaab ka qortaan dhalinyarada.
Dowlada Kenya ayaa dagaal kula jirta al-shabaab oo marar badan weerar ku qaaday Gudaha kenya maadama ciidamo ka socdo dowlada kenya ay ku sugan yihiin Gudaha soomaliya.

