Xidiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea John Obi Mikel ayaa aaminsan in ciyaaryahan walba oo Chelsea ka Tirsan oo jecel yahay in uu sii joogo macalin Guus Hiddink.
Macalinka reer Holland oo dhawaan qabtay shaqada kooxda Chelsea kadib markii laga ceyriyay macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa todobaadkaan Gudihiisa xaqiijiyay in uu ka fariisan doono kubada cagta.
Guus Hiddink. Oo Chelsea kula guuleysay koobka FA Cup-ka sanadkii 2009-ka ayaa mar kale qabtay shaqada kooxda Chelsea kadib markii maamulka ay ka dhigeen macalinka kmg-ga ee kooxda Chelsea.
John Obi Mikel oo Fursad badan helay markii macalinkaan shaqada loo dhiibay ayaa aaminsan in ciyaaryahan walba uu doonaayo in macalinkaan uu sii joogo.

