Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ku wargaliyay kooxaha isku Magaalada ah ee Manchester City iyo Manchester United in ay iska ilaawaan saxiixa xidigaha Neymar iyo Messi.
Macalinka cusub ee kooxda Manchester City Pep Guardiola oo xlili ciyaareedka cusub qabandoona shaqada kooxda Manchester City ayaa lala xiriirinaayay lasoo wareegitaanka xidigaha kala ah Neymar iyo Lionel Messi.
Lionel Messi ayaa sidoo kale lala xiriirinaayay mudooyinkii dambe u dhaqaaqista Garoonka Etihad Stadium, si lamid ah xidigaha ay saaxibka yihiin ee Neymar laakin waxaa wararkaas beeniyay madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu.

