Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Sheegay in Is Hor istaag lagu Sameeyay Burburinta Boorarka

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo maanta ka qeyb galay munaasaba lagu xusaayay Maalinta afka Hooyo ee 21 February ayaa ku eedeeyay qaar kamid Madaxda dowlada soomaliya in ay is hor istaag ku sameeyeen bur-burinta boorarka ku qoran afafka qalaad.

Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay In Maamulka Gobolka Banaadir uu  dhawaan bilaabay burburinta boorarka ku qoran afafka qalaad balse ay is hor istaag ay kala kulmeen qaar kamid ah madaxda dowlada soomaliya taasina ay keentay in hakad la galiyo burburinta boorarka afafka qalaad ku qornaa.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa kusoo beegmaya xili maamulka Gobolka Banaadir uu dhawaan bilaabay burburinta boorarka balse hakad ayaa ku yimid maalmo kadib.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here