Howgalo baaritaano ah ayaa habeenkii xalay ahaa laga sameeyay xaafado ka Tirsan degmada dharkinley ee Gobolka Banaadir .
Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya oo gacan ka helayay ciidamada amaanka degamada dharkinley ayaa howlgalka sameeyay waxaana lagu soo qab-qabtay dhalinyaro aad u fara badan oo lagu tuhmaayo in ay xiriir la leeyihiin xarakada al-shabaab.
ugu Horeyntii Guddoomiyaha Degmada Dharkeynleey ee gobolka banaadir Cumar Meyre Macow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay dad aad u fara badan islamarkaana ay haatan wadaan kala saarista dadka lagu tuhmaayo kamid ahaanshaha al-shabaab.
Cumar Meyre Macow Guddoomiyaha Degmada Dharkeynleey waxa uu digniin u direy dadka ku nool degmada dharkinley ee qarinaayo raga ka Tirsan al-shabaab oo ku sugan Gudaha degmada dharkinley ee Gobolka Banaadir. isagoona sheegay in cidii arintaas lagu helo ay maxkamad la tiigsan doonaan.
Mudooyinkii dambe ciidamada Nabad sugida ayaa howlgalo ka waday qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo lagu sugaayay amaanka Gobolka Banaadir oo ay ka dhacaan falal amniga lidiga ku ah.

