Wararka ka Imaanaya Deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Sheegaya in halkaasi Maanta ay isagabexeen Ciidamada Amisom oo shalay gudaha u galay Deegaankaasi
Ciidamada Amisom ayaa Waxaa ay galinkii dambe ee shalay ay gudaha Deegaankaasi ay ku dileen nabadoon ka mid ahaa dadka Deegaanka oo aan la ogayn ujeedka ay kala lahaayeen dilkiisa,
Mid kamida dadka Deegaankaasi oo la hadlay idaacadda Simba ayaa Sheegay inatsan ogeyn Sababaha Ciidanka Amisom ay isaga bexeen Deegaankaasi haddana aysan jirin cid Gacanta ku haysa Deegaankaasi,ciidankii ka tirsanaa Amisom ee halkaa isagabaxay ayuu sheegay inay u ruqaansadeen duleedyada Deegaanka gandarshe ee Shabeelaha Hoose.
Muddooyinkii dambe Ciidamada Amisom ayaa isaga baxayey Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose oo aan la ogeyn Sababta keentay bixitaankooda.

