Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo aya Maanta Gaaray Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamidyihiin Wasiiro,Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramaya inuu hadda kulamo laleeyahay hogaamiyaha Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sidoo kale Odayaasha ku howllan soo xulista Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed oo dhawaan lagu wado in lagu dhawaaqo
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Saacadaha Soosocda uu Warbaahinta uga Warbixiyo Safarkiisa iyo ujeedka uu u tagay Magaalada Baydhaba.
Afhayeenka Maamulka Koonfurgalbeed C/qaadir Nadaara ayaa Warbaahinta Simba uga Waramay Sida Maanta Madaxweynaha loogusoo dhaweeyey Magaalada Baydhaba.

