Kooxaha isku Magaalada ah ee Manchester City iyo Manchester United ayaa ku dagaalamaya saxiixa xidiga qadka dhexe ee kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga Paul Pogba.
22-jirkaan ayaa xili ciyaareedkii 2012-ka waxa loo ogolaaday in uu ka dhaqaqaaqo kooxda Manchester United iyo garoonka Old Trafford isagoona markaas ku biiray kooxda Juventus uuna ka noqday laacib lagu tashto.
Majalada Gazzetta dello Sport ee Talyaaniga kasoo baxda ayaa ku waramaysa in macalinkii kooxda Chelsea laga ceyriyay ee Jose Morinho uu ku guuldareystay in lasoo wareego xidigaan xiligii uu ku sugnaa Chelsea laakin markaan Manchester United ayuu la rabaa.

