Midowga Yurub oo Ruushka iyo iiraan ku eedeeyay inay Taageeraan Daacish

0

Midowga reer yurub ayaa dowladaha Ruushka iyo iiraan ku tilmaamay inay taageeraan kooxda daacish ee Syria xarumaha ku leh

Bayaankn kasoo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay taageerada iiraan iyo ruushka ee dowlada Syria iyo kala soocid la’aanta duqeymaha ruushka uu la bartilmaameydsanayo dhamaan mucaaradka inay tahay daliil muujinaya taageerada daacish ee rushka iyo iiraan ay la garab taaganyihiin

Tusaale ahaan waxaan usoo qaadaneynaa duqeymaha ruushka waxa la bartilmaameydsadaan dhamaan mucaaradka taas waxay sababeysaa inay wiiqanto awooda kooxo mucaaradka kamid ah balse la dagaalama daacish ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay midawga yurub

Dowlada ruushka ayaa taageero la garab taagan dowlada madaxweyne asad oo dagaal adag kula jirta kooxo badan oo mucaarad ah waxaana xukuumada Moscow kal hore ay sheegtay inay isku mid yihiin kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda xukuumada Syria isla markaana ay si iskumid ah u beegsanayaan waxayna ku tilmaameyn gabi ahaanba argagixiso

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here