Daafaca kooxda Paris Saint-Germain Marquinhos ayaa ka hadlay xiisaha iyo dalabka kaga imaaanaya kooxda Barcelona ee dalka Spain isagoo dalabkaas ku tilmaamay mid uu aad soo dhaweynayo.
21-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Brazil ayaa mudooyinkii u dambeeyay lala xiriirinaayay kooxda Barcelona ee dalka Spain laakin waxaa dalabkaan ku gacan seertay kooxda Paris Saint-Germain oo sheegtay in ay sii haysan doonto laacibkaan.
“aad ayaan ugu faraxsanahay koox weyn sida Barcelona uu dalab isoo gudbisay ayuu u sheegay Marquinhos Majalada Globo Esporte.

