Faah-Faahin:- Qarax Miino oo lala eegtay Gudoomiyaha degmada Baraawe

0

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Gudaha degmaaas uu ka dhacay qarax miino oo inta badan laga maqlay Gudaha degmada.

Qaraxa miino ayaa ee ka dhacay degmada Baraawe ayaa lala beegsaday  Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose xuseen Barre Maxamed(Xuseen Jeex).

Gudoomiyaha degmada Baraawe xuseen Barre Maxamed(Xuseen Jeex). Oo goor dhaweyd la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa gaarigiisa lala eegtay isla markaana uu dhaawac yar kasoo gaaray. haatana xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan.

Dhanka kale Xuseen Barre Maxamed(Xuseen Jeex). Waxa uu sheegay in ay socdaan Howlgalo lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay qaraxa lala eegday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here