Wararka Saaka Ka imaanaya degmada Xamarweyne ee gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka kacay dab sida la xaqiijiyey bilowday wabarigii Saaka Waxaana uu sababay qasaare hantiyadeed oo aad u farabadan.
Inta la xaqiijiyey dhawr dukaan oo lagu iibiyo Bagaashka ayaa la sheegay inay ku basbeeleen dabkaasi.
Goobta uu dabku ka kacay waxaa gaaray dab damisyo iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas oo ku guuleystay iyagoo kaashanaya shacabka halkaa ku nool daminta dabkaasi.
Ilaa hadda lama xaqiijin waxa uu ka dhashay dabkan ka kacay degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.
Dib Kalasoco wixii kasoo kordha.

