Xilli Ciidamada Amisom ee ku Sugan Deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay nabadoon caan ah ku dileen deegaanka Gandarshe ee shabeelaha hoose ayaa waxaa waxgaradka kasoo jeeda deegaankaasi ay ku eedeeyeen Ciidanka Amisom inay Xadgudubyo kala duwan ay kawadaan deegaankaasi iyo deegaanada hoosyimaada.
Nabadoon Maxamed Axmed oo ka mida nabadoonnada deegaanka gandarshe ayaa u sheegay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho in Ciidanka Amisom ay si ula kac ah u dileen nabadoon ka mid ahaa dadka deegaanka ee gandarshe.
Waxaa uu ku eedeeyey Amisom inaysan Wali wax war ah aysan kasoo saarin xadgudubkasi Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Amisom ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan arintaan foosha xun ee ay Amisom ka geysatay Deegaanka Gandarshe.
Halkaan ka dhageso Codka.

