Kooxda Daacish oo Xukun dil ah ku Fulisay Wiil Dhageysan jirey Heesaha

0

Kooxda Daacish ee ciraaq iyo Syria ka dagaalanta ayaa xukun dil ah ku Fulisay wiil 15-sano jir ahaa oo ay ku eedeeyeen in uu dhageysan jirey heesaha Mareykanka.

Ayham Hussein, oo 15-sano jir ah ayay kooxda ku eedeysay in uu ahaa mid dhageysta heesaha reer Galbeedka  waxaana gacanta lagu dhigay bishii aynu soo dhaafnay ee January ee sanadkaan 2016-ka.

Kooxda Daacih ee ciraaq iyo Syria ka dagaalanta waxa ay sidoo kale sheegtay in heesaha uu ku dhageysan jirey Ayham Hussein  aalada CD la yiraaho oo kamid ah waxyaabaha lagu dhageysto heesaha.

Dhanka kale Xukunka dilka ee wiilkaan yarka lagu fuliyay ayaa ka dhacay fagaaraha Magaalada Mosul ee caasimada dalka Ciraq. waxaana xaadir ku ahaa goobta dadka Magaalada Mosul.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here