Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulkiisa, ayaa maxaabiistan ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in maxaabiistu yihiin kuwo duruufo gaar ah ku sugan, si loogu celiyo ehelkoodii.
“Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dad reer SSC-Khaatumo Kuwaas oo leh duruufo gaar ah, Waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka kasoo baxay safarka Ra’iisul Wasaaraha.
Dowladda Federaalku waxay meesha ka saartay in degaanada SSC Khaatumo ay yihiin deegaano lagu muransan yahay. Sidaa darteed, waxay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn, iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqday inay si caadi ah uga howlgalaan degaanada SSC-Khaatumo.




