Laacibka kooxda Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya macalimiinta kala ah Jurgen Klopp iyo Thomas Tuchel.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Armenia ayaa sheegay In uusan helin qaab ciyaareed wanaagsan markuuu ka hoos ciyaarayay macalinkii Hore ee kooxda Borussia Dortmund Jurgen Klopp oo haatan hogaamiya kooxda Liverpool.
Henrikh Mkhitaryan ooo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu helay qaab ciyaareed wanagsan kadib markii uu kooxda la wareegay macalin Thomas Tuchel madaama laacibkaan uu kaga yimid kooxda Shakhtar Donetsk xili ciyaareedkii 2014-kii.
Laacibkaan oo wareysi siiyay Bleacher Report ayaa sheegay in macalin Klopp uu ciyaarayay kubada kubada cagta ku duwan taasi oo ah mid inta badan ku dheehan weerar gaadmo ah laakin haatan waxaan ciyaarnaa qaab ciyaareed wanaagsan waxaan haysanaa kubadaha anagoona mararka qaar sameena weerar.

