Jese Rodriguez:- Macalin Zinedine Zidane Waxaan ka Helay Kalsooni

0

Laacibka kooxda Real Madrid weerarka kaga ciyaara  Jese Rodriguez ayaa sheegay in uu aad u jecel yahay ka  hoos ciyaarista macalinka cusub ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane.

Jese Rodriguez oo kulankii Real Madrid iyo Roma badal kusoo galay isla markaana dhaliyay goolka Labaad ayaa sheegay in uu kalsooni badan uu ka helay macalinka cusub ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane.

Zinedine Zidane oo dhawaan shaqada ka badalay Macalin Rafael Benitez ayaa hogaamiyay kooxda Real Madrid 7-kulan isagoo guuleystay 6-kulan halka uu barbaro galay 1-kulan oo kaliyah.

“aad ayaan u faraxsanahay madaama aan kalsooni badan aan ka helay macalin Zinedine Zidane qof walba kalsooni ayuu ka helay macalinka waan macalin wanaagsan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here