Ciidamada difaaca Puntland ayaa xalay shaaciyay in ay 24-kii saac ee u danbaysay ku guulaysteen in ay soo ridaan lix diyaaradood oo Dronesa, kuwaasi oo ay isku dayday in ay adeegsato Daacish.
Qoraal kooban oo xalay ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxda ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamadu ay 24-kii saac ee u danbaysay ku guulaysteen in ay soo ridaan lix diyaaradood oo Dronesa, kuwaasi oo ay isku dayday in ay adeegsato kooxda Daacish.
“24-kii saac ee u danbeysay, Ciidanku waxay soo rideen oo burburiyeen 6-Drone oo Daacish isku dayday in ay adeegsato” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Daacish ah ee ciidamada difaaca dowladda Puntland.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay fashiliyaan miinooyin jidadka ku aasnaa oo ay dhigeen Daacish si ay waxyeello ugu geystaan ciidamada.

