Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Badroolka Xukuumadda Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka ayaa galabta kulan xasaasi ahaa kula qaatay Baledweyne Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, Culimada, Dhallinyarada iyo Haweenka beesha Xawaadlle.
Kulanka ayaa ahaa mid looga arinsanaayay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amaan daro ee ka taagan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ugu horeyn kulanka ka hadlay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Cabdullaahi Sanbaloolshe oo beesha Xawaadle codsaday in amniga magaalada kusoo wariijiyaan gacanta ciidanka dowladda.
“Amniga Beledweyne ayaad sugi la’dahay maxaa amni dal ka qaba kartaa ayaa i hortaal, waxaan idinkaga baahanahay inaad boogtaas iga tirtaan, Baledweyne waxay u baahan tahay inaan lagu sii fiirsan waxyaabaha ka socda ee dib u dhigay ee waa in amniga gobolka Hiiraan waa in nalagu soo wareejiya, hada kadibna ma aqbali doono inaan aragno maleshiyaad qoryo ku dgex wata magaalada iyo dhagxaan wadooyinka la dhigayo” ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

