Xukuumada Somaliland oo jawaabaysa eedayntii Wasiir Fiqi ee danjirayaasha shisheeye, ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay horumarka dimuquraadiyadeed ee Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’ ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay karahsantahay horumarka Somaliland oo ay xaasidayso sidaa darteedna ay uga xumaatay qoraalkii danjirayaasha caalamiga ah ee ku aadana doorashooyinka Somaliland.
“Dowladahan uu maagaya waa kuwa iyaga oo aan meelna xukumin ku sheegay dowlad, ee aqoonsaday, in ay Somaliland yimaadan oo ay qiraan dimuquraadiyada iyo wanaaga ka socdana wax ay isaga uga soo fasaxqaadanayaan maaha” ayuu yidhi Cali Mareexaan.

