iidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab ayaa guulo ka sheegtay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab Maxamed Xasan Abuukar Dhala dheere oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidanka ay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-shabaab, islamarkaana khasaare xoogan ay gaarsiiyeen xubnahii weerarka kusoo qaaday.
“Geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa cashar u dhigay Khawaarijta oo ay isku dayeen inay weerarto saldhiga ciidanka Xoogga Dalka ee degaankaasi Raas qaboow, waxaana halkaasi looga dilay 25 dhaqarqabe” ayuu yiri Taliye Maxamed Xasan Abuukar Dhala dheere.

