Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag uga horyimid talaabadii uu Shalay guddoomiyaha Aqalka sare uga xayuubiyay xubinimadii kursiga Golaha Aqalka sare.
“Waxaan caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi inaanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.
Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale iska biri yeelay inuu ka maqnaa dhamaan kulamada Golaha Aqalka sare, wuxuuna sheegay inuu ka qeybgalay Kulamo Golaha Aqalka Sare ah iyo Kulamo Wadajir ah oo ay wada yeesheen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya


