Masar oo Muwaadiniinteyda ugu Baaqday in ay Isaga Baxaan Somaliland

0

Masar ayaa soo saartay wargalin degdeg ah oo ku aaddan dhammaan muwaadiniinta Masar ee ku sugan Somaliland inay si degdeg ah uga baxaan halkaas iyadoo ku sababaysay xaaladda ammaan ee ka sii daraysa.

War-saxaafadeed lagu daabacay wakaaladaha wararka ee Masar, ayaa muwaadiniinta loogu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan uga dhoofaan madaarka Hargeysa.

“Dhammaan muwaadiniinta Masar waxaan ka codsanaynaa in aanay u safrin Somaliland, iyadoo la eegayo saamaynta amni-darrada ku leedahay ammaankooda,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay safaaradda Masar ee Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here