Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in isfahanka ay xukuumadiisu la gaadhay Itoobiya, uu horseedi doono horumar dhaqaale iyo iskaashi oo gobolka ka dhaca.
Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Al Carabiya, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in ay mideeyaan danahooda muhiim ka ah.
“Waxa aanu saxeexnay isfahan, kaasi oo aanu uga gol leenahay in aanu gaadhno danaha qarankayaga, oo aanu aqoonsi helno, Itoobiya-na waxa u daran in ay badda gaadho, waxa aanu midaynay danahayaga, waxa aananu diyaar u nahay in aanu helno aqoonsi” ayuu yidhi Biixi.
Waxa uu sheegay in uu aaminsanyahay in heshiiska labada dhinac uu muhiim u yahay horumarka, iskaashiga ganacsiga iyo degenaanshaha gobolka Geeska Afrika, waxa uu intaa ku daray in dhawaan ay Itoobiya iska arki doonaan saxeexida heshiiska kama dabays ta ah.

