Puntland oo Sheegtay in Geeddi Socodka Dowladnimada uu Kusii Dhacayo God dheer

0

Puntland ayaa ku dhawaaqday in geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya uu kusii dhacayo god dheer, iyada oo sababtaas u aaneeysay waxay ugu yeertay, siyaasad xumada dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Mohamud.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Garowe, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka ay qaadatay siyaasad ka dhan ah cid kasta oo kasoo horjeeda, taasoo keentay in xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu xumaado.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheikh inuu ku guuldareystay fulinta nidaamkii uu heshiiska kula ahaa isaga iyo dowlad goboleedyada, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Federaalka ay joojisay mashaariicdii lagu taageerayay dowlad goboleedyada xulufaysiga la ahaa, taasoo saameyn taban ku yeelatay xiriirkoodii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here