Koox cusub oo ka tirsan saraakiisha CID ee Soomaaliya ayaa bilaabay tababar gaar ah oo la xiriira baarista dambiyada oo ka socda xarunta tababarka Goć ee Serbia. Tababarkan wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadidda xirfadaha saraakiisha ee baarista dambiyada iyo farsamooyinka amniga, iyagoo lagu barayo farsamooyin cusub oo lagu xalliyo xaaladaha adag ee booliska iyo ururinta xogaha sirdoonka.
Safiirka Soomaaliya ee Serbia, Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay horumarinta awoodaha booliska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Serbia fursaddan oo gacan ka geysan doonta sugidda amniga muwaadiniinta iyo madaxda Soomaaliyeed. Sidoo kale, taliyaha booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in taageerada Serbia ay ku soo beegantay xilli muhiim ah oo ciidanka booliska loo baahan yahay xirfado dheeri ah si ay ula tacaalaan caqabadaha amniga ee gudaha.
Tababarkan cusub wuxuu qayb ka yahay iskaashiga sii xoogeysanaya ee dhanka amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, kaas oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya taageeridda ciidamada Soomaaliya.

