DFS oo Baaq u Dirtay Dirtay dalalka ay Ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq u dirtay dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ku boorineysa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka.

 

 

Baaqan waxaa soo jeediyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, oo warbixin kooban ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Abuukar Baalle ayaa si cad ugu sheegay dalalkaas in ay muhiim tahay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ka digay in danaha waddamada ciidamada shisheeye ay mararka qaar keeni karaan mugdi khatar galin kara xasiloonida dalka.

 

Waxa uu sidoo kale muujiyay in haddii aan la tixgelin xeerarka caalamiga ah iyo midnimada dhuleed, ay dhici karto in talaabooyinkaas loo qaato gardarro.

 

Danjire Baalle ayaa sidoo kale sheegay in ay lama huraan tahay in la helo maalgelin dhaqaale oo ku filan oo taageerta hawlgallada nabad ilaalinta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here