Qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Deeganadada maamulka koonfur Galbeed Soomaliya oo kulan ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa si adag uga hadlay abaabulkii bulsho ee Jimcihii ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo banaanbax loogu hiiliyey Itoobiya, dowladda masarna lagu diiday.
Kulanka xildhibaanadda ayaa laga soo saaray War-saxaafadeed loogu hadlaayay waxa dhacay sida ay kaga xun yihiin, iyagoo Madaxweyne C/casiis Laftagareen ku eedeeyey inuu soo abaabulay dadkii dhigay banaanbaxa.
“Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka.
“Taliska ciidanka xoogga dalka wuxuu diyaariyey ciidan ka badan labo guuto iyo saldhig weyn oo ciidanka Danab looga dhisi lahaa Koonfur Galbeed, balse waxaa si cad u hor istaagay qorshahaas madaxweynaha deegaanka Cabdicasiis Laftagareen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Balaag.

