Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu rabo in uu cunaqabateeyo Somaliland, xili ciidamo ajinabi ahi ay ilaaliyaan nabada Soomaaliya.
Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay furitaanka xabsi labaad oo ay yeelanayso magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in go’aanka xawaaladaha lagaga joojinayo isticmaalka magaca ‘Somaliland’ aanu socon doonin.
“Talo xumada kowaad waxa weeyi madaxweynaha Xamar joogaa, isaga oo Xamar aan gurigiisa ka xukumin, oo meel walba ajinabi u ilaalinayaan, ayuu waxa uu meel walba soo saaraya waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tagi karto, baananku ma tagi karaan, naftii hafar gurigiisa ma ilaalin karo” ayuu yidhi Biixi.

