Dowlada Soomaliya oo war kasoo sartay howlgal ka dhacay galgaduud iyo sh.dhaxe.

0

Ilaa iyo sagaal  ka tirsanaa  al shabab ayaa lagu dilay howlgal dhacay iyadoona  ku dhowaad 10-kalana waa lagu dhaawacay labo hawlgal oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay ilaa iyo afar maleeshiyaad ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ah oo maleeshiyaadka  al shabab  ay wateen , kaasi oo marayay hawdka deegaanka Cali Heelle oo ku yaalla xadka labadaan gobol.

 

Hawlgalka labaad ayaa lagu khaarajiyay shan ka tirsan al shabab oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen al shabaka , kaasi oo ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

aqriso warsaxafadeedka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here