Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaciyay in xidigaha Adam Lallana iyo Kevin Stewart ay seegi doonaan kulanka ay germany kula soo ciyaari doonaan kooxda Augsburg, halka xidiga Lucas Leiva uu dib kooxda ugu soo laaban doono kadib markii uu seegay kulankii Aston Villa ay ka guuleysteen.
Lallana ayaa wali la xanuunsan dhaawac uu qabo isagoona sidoo kale seegay kulankii ay ka guuleysteen kooxda Villa halka xidiga Stewart uu dhaawac soo gaaray intuu ku dhex jirey tababarka kooxda Liverpool.
Macalin Jurgen Klopp oo warbaahinta la hadlay ka hor kulanka Augsburg, ayaa sheegay In Lallana aan la heli Karin kulankaan balse dib loo helaayo xidiga Lucas Leiva

