Wafdi balaaran uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud waxaa ku wehliya socdaalkii Magaalada Beledweyne e Gobolka Hiiraan wasiiro ka Tirsan xukuumadda soomaliya,xidlhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaadraaha Magaalada Beledweyne Ugaas khaliif kusoo dhaweeyay Madaxda Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Taliska ciidamada amisom ee isla Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay kulamo la qaataan Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan iyo odoyaasha dhawaan kasoo horjeystay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

