Taliyaha Ciidanka dhulka oo garay magaalada beydhabo iyo diyaar garow socda.

0

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa manta gaaray Taliska Qaybta 60-aad ee magaalada Baydhabo xarunta KMG mamulka koonfur galbeed Soomaliya

 

Taliyaha ayaa  salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaybta 60-aad, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey taliyaha qaybta Gen Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) iyo saraakiisha hoggaaminta.

 

Ujeedka Taliyaha ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle  uu u gaaray taliska qayb 60aad ayaa ah sidii loo sii xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah al shabab ee ka socda deegaanada koofurgalbeed, isagoo saraakiisha taliska faray in loo dhimriyo shacabka ku nool deegaanada laga xoreeyey al shabab

 

Degaanada koonfur galbeed Soomaliya ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay ku badan yihiin al shabab iyadoo uu socod dhaqdhaaq culus oo ka dhan ah al shabab

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here