Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay halkaasi .
Dagaalka oo fiidkii hore ee xalay ka bilowday Boosaaso ayaa u dhexeeya ciidamada ilaalada xebaha puntland ee pmpf iyo ciidamo ku la bisan dareeska ciidamada PSF
Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka Boosaaso oo xili danbe xalay gaaray, balse wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaaro badan oo isugu jira naf iyo maalba.
Sidoo kalana dagaalkaan ayaa la shegayaa in uu salka ku hayo ddoni siday hub oo ay la soo dageen ciidamada psf Puntland isla markaasi ay hor istaag ku sameyeen ciidamada ilaalada xeebaha Puntland iyo kuwa dariishta puntland.

