Qaraxaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya waxaa lagula eegtay xadka u dhaxeeya Soomaaliya & Kenya, iyadoo oo faah faahino kala duwan ay kasoo baxayaan.
Qarax nuuca miinada dhulka lagu Aaso ayaa kolonyo Ciidamada Kenya waxaa lagula eegtay xilli ay marayeen degaanka Kaambooni oo ah xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa lagu dilay askar ka tirsan Ciidanka Kenya kuwo kalena ay ku dbaawacmeen, waxaana qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay fureen rasaas farabadan.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya ay iska sii wateen socdaalkooda, sidoo kalena ay howlgallo miino baaris ah ka sameeyeen inta u dhaxaysa deegaannada Shangani iyo Kaambooni.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa degaano kuyaal xadka Soomaaliya iyo Kenya iyo Gobolka Waqooyi Bari waxaa ku batay qaraxyada lala beegsanayo Ciidamada Kenya, waxaana mas’uuliyadda qaraxyadaas sheegtay Ururka Al-Shabaab oo shaaciyay in ay qaraxaasi ku duileen 7 askari oo kenyaati ah.

